Mikel Arteta Oo Isha Ku Haya Rikoodh Gaar Ah Kulanka North London Derby, Maxaa Looga Baahanyahay?

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa isha ku haya rikoodh taariikhi ah marka ay kooxdiisu la ciyaarayso kooxda Tottenham kulan ka tirsan premier League.

Artea ayaa kulankiisii ugun horeeyay ee uu ka hor tagay Tottenham isaga oo tababare ah ku hogaamiyay kooxdiisa guul 2/1 ah xilli ciyaareedkii 2020/2021.

Gunners ayaa sidoo kale xilli ciyaareedkii hore guul 3/1 ah ka gaadhay Tottenham kulan ka dhacay Emirates isaga oo sidaas ku garaacay Spurs kulankiisii 2-aad.

Hadii uu Arteta maanta guul ku hogaamiyo Kooxdiisa waxa uu isku qori doonaa taariikhda kooxda Arsenal ee kulanka North London Derby.

Hadii ay Gunners ka badiso Tottenham maanta waxa uu noqon doonaa tababarihii 3-aad ee taariikhda guul ka gaadha 3-diisa kulan ee ugu horeeya ee North London Derby.

Tababarayaasha George Morrl iyo Terry Neill ayaa ah labada tababare ee Mikel Arteta kaga horeeyay rikoodhkan.