
Tababaraha kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa u leexday dhanka xisaabta si uu u sharaxo guuldarooyinka kooxdiisa ee horyaalka Premeir League xilli ciyaareedkan.
Gunners ayaa guuldaro 2/1 ah kala kulantay Everton iyaga oo ku jira kaalinta 15-aad waliba aan wax kulan ah badin tan ilaa 1 bishii November.
Kooxda Mikel Arteta ayaa kaliya 2 dibcood ka heshay 7-dii kulan ee ugu dambeeyay premier League iyada oo ay kaliya dhanka goolasha ka xun yihiin 3-da kooxood ee ugu sareeya horyaalka
Xilli ay xogtaas cadayn u tahay rikoodhkiisa xun hadana Mikel Arteta ayaa sameeyay xisaab gaar ah oo uu ku muujinayo nasiib xumada kooxdiisa.
“Sanadkii hore waxa aan kulankii Everton haysanay fursad 25% ah oo aan guul ku gaadhi karno waxa aad ku badisay 3/2″ayuu yidhi.
“Todobaadkii hore waxa ay koox walba fursad u haysatay 67% in aab badiso taariikhda horyaalka halka 9% aad fursad u hasatay in lagaa badiyo waana nalaga badiyay”
kulankii Burnley waxa aan fursad u haysanay in aan badino 3% laakiin waa nagala badiyay, kulankii Tottenham 7% laakiin waan nagala badiyay”.
“Kaliya ma ahan qaab ciyaareedka laakiin waxa jira wax kale oo ay tahay in uu dhankeena noqdo laakiin aanan noqonayn”.
Be the first to comment