Mikel Arteta Oo Haysta Sabab Uuna Weerarka Tooska Ah Uga Ciyaarsiin Pierre-Emerick Aubameyang

Weeraryahanka Arsenal Pierre-Emerick Aubameyang ayaan ka ciyaari karin weerarka tooska ah Nidaamka Mikel Arteta ee Haatan sababta oo ah Kuma haboona kabtanka Gunners sida uu sheegay khabiirka kubada cagta ee Julien Laurens.

Taageerayaasha Arsenal ayaa Mikel Arteta ka dalbanayay in uu Aubameyang ka ciyaarsiiyo weerarka tooska ah kadib xilli ciyaareedka Xun ee uu ku jiro kabtankoodu.

Aubameyang ayaa dhaliyay kaliya labo gool sideedii kulan ee ugu horeysay Premier League xilli ciyaareedkan.

Laurens ayaana qirtay in uu Arteta u baahanyahay in uu helo wado uu Aubameyang ku hor geeyo goolka hortiisa.

Laakiin sheegay in ay jirto sabab uu Arteta u doorbidayo in uu weerarka tooska ah uga ciyaarsiiyo xiddigaha Alexandre Lacazette Ama Eddie Nketiah halka uu ka ciyaarsiin lahaa Aubameyang.

“Waxan u malaynayaa in ay tahay wado uu ku doonayo in uu kubad badan ku keeno goolka hortiisa”ayuu Laurens u sheegay ESPN.

“Hadii aad eegto xogta marka laga reebo goolka, taabashadiisa kubada iyo laadadkiisa”.

“Hadii aanad laadi karin ma dhalin kartid xitaa hadii goolal lagaa filayo”.

“Hadii uuna joogin boos uu kubada ka laadi karo, hadii uuna kubada soo jiidin oo uuna goolka hortiisa keenin ma dhalin karo”.

Sii Akhriso: Madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo Oo Fariin U Diray Madaxweynaha & Madaxweye Ku Xigeenka Loo Doortay Hirshabelle

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*