Mikel Arteta Oo Doonaya In Uu La Soo Saxiixdo Xiddig Laba Boos Ka Ciyaari Kara Oo U Ciyaara Man City.

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa doonaya in uu kooxdiisii hore weerar suuqa ah ku qaado Man City isaga oo ka doonaya xiddiga Oleksandr Zinchenko sida ay sheegayaan wararku.

Tababaraha reer Spain ayaa bartilmaameedkiisa 1-aad ka dhigtay weeraryahanka kooxda Man City ee Gabriel Jesus kaas oo ay Man City iska iibinayso.

Laakiin boosaska kale ee ay Arsenal doonayso in ay xoojiso ayaa ah khadka dhexe iyo waliba daafaca Bidix.

Sida laga soo xigtay Daily Mail, Arsenal ayaa doonaysa in ay la soo saxiixato xiddiga Zinchenko kaas oo ka ciyaari kara khadka dhexe iyo waliba daafac dhexe.

Xiddiga Zinchenko ayaa markii hore Man City ugu biiray khadka dhexe laakiin waxa uu ka ciyaari karaa sidoo kale daafaca bidix marka ay kooxdiisu u baahato.

Arteta ayaa xidhiidh fiican la leh xiddiga Zinchenko isaga oo la soo shaqeeyay xiddiga markii uu ahaa tababare ku xigeen kooxda Man City.