Mikel Arteta Oo Doonaya In Ay Arsenal Samayso 3 Saxiixa Suuqa Xagaaga.

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa lagu soo waramayaa in uu maamulka kooxdiisa ka codsaday in ay u keenaan 3 saxiix oo uu doonayo in uu ku xoojiyo kooxdiisa xilli ciyaareedka dambe.

Kooxda Arsenal ayaa xilli ciyaareedkan ku dhibaatoonaysa qaab ciyaareedka waxana laga yaabaa in ay gabi ahaan seegto tartamada yurub hadii ayna ku guulaysan Europa League xilli ciyaareedkan.

Wargayska Football London ayaa sheegaya in uu Arteta doonayo in ay Arsenal u keento 3 saxiix marka uu furmo suuqa kala iibsiga xagaaga ee dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Saxiixa ugu horeeya ayaa ah in uu doonayo in ay kooxdu qaab toos ah ula wareegto xiddiga Martin Odegaard kaas oo qaab ciyaareed fiican soo bandhigay tan ilaa markii uu kooxda amaahda ugu soo biiray suuqii January.

Saxiixa kale ayaa ah in uu doonayo in loo keeno xiddig ka ciyaara daafaca Midig marka loo eego in uu Hector Bellerin ka baxay qorshihiisa lagana yaabo in uu isaga tago kooxda xaagaaga.

Saxiixa ugu dambeeya ayaa ah in uu Mikel Arteta dalbaday in loo keeno xiddig ka ciyaara weerarka tooska ah maadama ay xiddigaha haatan weerarka uga ciyaara ku dhibaatoonayaan qaab ciyaareedka.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 4 Nooc Oo Ragga Ah Oo Ay Dumarku Ka Faa’iidaystaan, Miyaad Ka Mid Tahay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*