Mikel Arteta Oo Difaacay Willian & Nicolas Pepe Kadib Markii Gunners Laga Reebay FA Cup-ka.

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa sheegay in uu aad uga niyad jabsanyahay in ay soo dhamaatay riyadii ahayd in ay kooxdiisu difaacato tartanka Kadib guuldaradii ka soo gaadhay Southampton.

Gunners ayaa xilli ciyaareedkii hore ku guulaystay tartanka FA Cup-ka laakiin ka hadhay tartanka kadib markii ay guuldaro 1/0 ah kala kulantay southampton.

Tababare Mikel Arteta ayaa shaxdiisa ku sameeyay 7 is badal iyada oo uu ka maqnaa kabtankiisa Pierre-Emerick Aubameyang.

“Aad ayaan uga niyad jabsanahay arintan sababta oo ah waxa aan doonayay in aan sii wadano tartanka waliba mar kale ku guulaysano”.

“Aad aaan uga niyad jsbanahay sida uu nooga dhashay goolka waana meesha aan ka shaqaynayno”.

Xiddigaha Nicolas Pepe & Willian ayaa si weyn ugu dhibaatooday in ay wax saamayn ah ku yeeshaan kulanka taas oo keentay in ay dhaleecayn la kulmaan.

Laakiin Mikel Arteta ayaa difaacay” Waxa aan sheegayo ayaa ah in ay labada xiddigba isku dayayaan in ay qabtaan shaqooda ugu badna”ayuu Arteta”.

“Waxa aad arki kartaa in ay si adag u shaqaynayaan waliba doonayaan in ay caawiyaan kooxda”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*