Mikel Arteta Oo Damacsan Qorshe Uu Qaab Ciyaareed Fiican Kaga Soo Saarayo Pierre-Emerick Aubameyang

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa sheegay in uu ka fiirsan doono in uu xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang ka ciyaarsiiyo weerarka tooska ah kadib guuldaradii Arsenal ka soo gaadhay Aston Villa Axadii si uu qaab ciyaareed fiican uga soo saaro xiddiga.

Arsenal ayaa guuldaro weyn kala kulantay kooxda Aston Villa kulan ka dhacay garoonka Emirates Staduim.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa kulankaas ka ciyaaray garabka bidix ee weerarka kuna dhibaatooday in uu wax saamayn ah ku yeesho kulanka.

Arteta ayaa wajahaya dalabyo ka codsanaya in uu Pierre-Emerick Aubameyang ka ciyaarsiiyo weerarka tooska ah kadib qaab ciyaareedka liita ee Alexandre Lacazette.

Tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta ayaa qirtay in uu u baahanyahay in uu badalo shaxdiisa kadib markii ay Arsenal wax gool ah ka dhalin wyaday fursad caadi ah 4-tii kulan ee ugu dambeeyay Premier League.

“Wada shaqaybta kooxdu waa mid isku xidhan arintaas waa in aan in badan samayno”ayuu Arteta yidhi.

“Shaki la’aan waxa aan helaynaa xaalado laakiin ugu dambayn dhamaystirka kubadu waa mid ay tahay in aan horumar ka samayno”.

“Dhaq-dhaqaaq Pierre-Emerick Aubameyang waa mid ay tahay in aanu helno hadii uu joogo meel khaldan iyo hadii kaleba”.

“Waxa hubaal ah in gool yaraanta haatan in ay tahay mid ay adagtahay in aan kula tartano kooxaha kale”.

Markii la weydiiyay hadii uu ka fiirsan doono inuu bedelo shaxda Arsenal inta lagu jiro fasaxa xulalka, Arteta ayaa ku jawaabay: ‘Haa, waa hubaal. Waxaan sidaa samaynayaa todobaad kalsta”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*