
Ma ahan markii ugu horeysay, Mikel Arteta uu tababarihiisii hore ka rajaynayo abaal ku saabsan tartanka premier league.
Liverpool ayaa la ciuaaraysa Everton kulan noqon doona midkii ugu dambeeyay ee garoonka Goodison Park ee Mersiside Derby oo ayaa midkii baaqiga u ahaa labada kooxood.
Kooxda Slot ayaa 6 dhibcood ku hogaaminaya Arsenal tartanka premier league, Gunners ayaana aad u doonaysa in Aanu hogaankaas noqon 9 dhibcood.
Arsenal ayaa Salaasadii ka soo laabtay tababarkii ay ku qaadanayaan Dubai waxana ay si dhaw u daawan doonaan kulanka caawa.
Guul ay Everton gaadho ayaa u fiicnaan doonta Arsenal kuwas oo dhibcaha ay ka hooseeyaan Liverpool Ka dhigi doona 3 dhibcood hadii ay sabtida ka badiyaan Leicester city ka Hor inta ayna Liverpool ciyaarin kulanka Wolves maalinta ku xigta.
Arteta ayaa horay uga baahday caawin tababare David Moyes wuuna ka helay caawintaas.
Maalintii ugu dambeeysay ee xilli ciyaareedkii hore Arteta ayaa Moyes oo hogaaminayay West Ham uga baahday in uu dhibco ka qaato Man City si ay ugu guulaystaan premier league.
West Ham ayaa ku Fashilantay in ay abaal u gasho Arsenal waxana looga badiyay 3/1 laakiin waxa uu Arteta rajaynayaa in uu abaal ka helo tababarihiisii hore.
Be the first to comment