Mikel Arteta & Agaasimaha Suuqa Ee Edu Oo Isku Khilaafay Saxiixyada Thomas Partey & Houssem Aouar.

Edu ayaa la sheegayaa in uu helay wixii uu doonayay kaas oo ah in ay Arsenal la saxiixato xiddiga Thomas Partey halka uu Mikel Arteta ka hor istaagay saxiixa xiddiga Houssem Aouar sida uu sheegayo wargayska L’Equipe.

Wargayska ayaa sheegaya in uu Mikel Arteta doorbidayay in uu helo xiddiga kooxda Lyon ee Aouar xagaagan laakiin Agaasimaha Kooxda ee Edu ayaa doonayay xiddiga reer Ghana ee Partey.

27 jirka ayaa ku soo biiray Arsenal maalintii ugu dambaysay suuqii kala iibsiga waxana uu ilaa haatan kooxda u ciyaaray 3 kulan.

Mikel Arteta ayaa xiddiga Houssem Aouar  u doonayay in uu kooxdiisa ku soo kordhiyo kubad samayn marka loo eego in ay Gunners ku dhibaatoonayso dhanka samaynta fursadaha.

Laakiin Mikel Arteta ayaa waayay saxiixa bartilmaameedkiisii ugu weynaa markii ay kooxdu la soo saxiixatay xiddiga Thomas Partey.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*