Mikel Areta Oo Sheegay Faa’iidada Ay Arsenal Halka Faa’iido Ee Ay Kooxdiisu Dheertay Arsenal Iyo Man City Tartanka Premier League.

Mikel Arteta ayaa aaminsan in Arsenal ay faa’iido nafsi ah dheertay kooxaha kula tartamaya horyaalka premier League ee Man City iyo Liverpool.

Sida ay haatan wax yihiin Arsenal ayaa hogaaminaysa horyaalka premier League iyaga oo farqiga goolasha kaga horeeya kooxda Liverpool.

Si Kasta ha ahaatee Man City ayuu hal kulan baaqi u yhahay waxana ay la ciyaari doonaan kooxda Brighton.

Mikel Arteta ayaa sheegay in maadaama ay kooxdiisu ciyaari doonto kulanka ka hor kooxaha kale ay faa’iido nafsi ah u tahay kooxdiisa.

Markii la waydiiyay in ay faa’iido tahay in ay kooxdiisu ciyaarto kulanka hore ayuu yidhi”Taasi way na caawinaysaa, sababta oo ah waxa aad badinaysaa kulankaaga waxana yar khaladaadka dhaca”.

“Taasi waa waxa kaliya ee aan samayn karno sababta oo ah horyaalku haatan gacanteena kuma jiro”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga