Michael Owen Oo Sheegay Tirada Saxiixyada Ay Liverpool U Baahantahay Si Ay U Difaacato Horyaalka Xilli Ciyaareedka Dambe.

Xiddigii hore ee kooxda Liverpool ee Michael Owen ayaa shaaca ka qaaday tirada saxiixyada ay Liverpool u baahantahay suuqa xagaaga si ay u difaacdaan horyaalka xilli ciyaareedka dambe.

Kooxda Liverpool ayaa xilli ciyaareedka dambe bilaaban doonta difaacashada horyaalka premier Leageu waxana lala xidhiidhinayaa xiddigo dhawr ah ka furitaanka suuqa xagaaga.

Michael Owen oo la hadlaya BBC Sport ayaa yidhi”Uma malaynayo in ay Liverpool u baahantahay ama ay samayn doonto saxiixyo badan suuqa xagaaga”.

“Hadii ay Liverpool la soo saxiixato hal saxiix oo xiddig oo magac weyn leh waxa ay boosaska kale ku xoojin kartaa xiddigaha da’yarka ah ee kooxda kuwaas oo ah kuwo aad u fiican waliba u ciyaari kara kooxda 1-aad”.

“Uma malaynayo in uu Jurgen Klopp ka fikirayo in uu xiddigo badan la soo saxiixdo xagaaga sababta oo ah waxa uu doonayaa in uu sii haysto xiddigaha kooxda haatan u ciyaara”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*