Michael Owen Oo Qiimeeyay Fursadaha Liverpool Ee Difaacashada Premier League Kadib Guuldaradii Brighton.

Xiddigii hore ee kooxda Liverpool Michael Owen ayaa sheegay in fursada Difaacashada Liverpool ee horyaalka Premier League dhiman doonto hadii ay ku fashilmaan in ay ka badiyaan Man City Axada.

Reds ayaa guuldaro lama filaan ah oo kale kala kulantay garoonkeeda iyaga oo guuldaro 1/0 ah kala kulmay Brighton Arbacadii.

Guuldaradaas ayaa la macno ah in ay Liverpool ku jirto kaalinta 4-aad iyaga oo 7 dhibcood ka dambeeya kooxda Man City oo hal kulan gacanta ku haysata.

Michael Owen oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Haa, wakhti xaadirkan, waxa ay ka dambeeyaan Man City 7 dhibcood iyo hal kulan oo ay City gacanta ku haysato waana dhibco badan”.

“Waxa aan odhan karaa hadii ayna Liverpool garaacin Man City Axada, waa in ay iska ilowdo difaacashada horyaalka premier League”ayuu sii raaciyay.

Kooxda Liverpool ayaa Axada Anfield ku marti galin doonta kooxda hogaaminaysa horyaalka premeir League ee Man City.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*