Michael Owen Oo Magacaabay Laba Xiddig Oo Man United Ah Oo Ku Farxay Shaqo Ka Caydhintii Ruben Amorim

Xiddigii hore Man United Michael Owen, ayaa sheegay in Kobbie Mainoo iyo Patrick Dorgu ay noqon doonaan ciyaartoyda ugu farxadda badan kaddib markii Manchester United ay xilka ka qaadday Ruben Amorim.

Amorim, oo loo magacaabay tababaraha Red Devils bishii Novermber 2024, ayaa shaqadiisa soo gabagabaysay Isniintii, 5-ta Janaury, kaddib muddo 14 bilood ah oo uu joogay Old Trafford. Intii uu ahaa tababaraha Manchester United, Amorim wuu iska indho-tiray qaar ka mid ah ciyaartoyda, waxaana ka mid ahaa Mainoo iyo Dorgu.

Mainoo weli ma uusan bilaabin hal kulan oo Premier League ah xilli ciyaareedkan waxana uu shaki ku jiray mustaqbalkiisa kooxda Man United, Inkasta oo Mainoo uusan si rasmi ah uga hadlin xil ka qaadista Amorim, haddana wuxuu “like” saaray qoraal baraha bulshada ah oo kaftan ka dhigayay bixitaankii tababarihii hore.

Owen ayaa aaminsan in bixitaanka Amorim uu siin doono Mainoo fursad uu kaga mid noqdo kooxda koowaad ee Manchester United. Isagoo la hadlayay Metro, Owen wuxuu yiri:

“Waqtigan hadda ah, isagu [Mainoo] wuxuu noqon doonaa mid ka mid ah dadka ugu farxadda badan, balse hadda wax walba waxay ku xiran yihiin isaga, mana jirto meel uu isku qarin karo ama cudurdaar u samayn karo”


“Waa inuu muujiyaa in Amorim uu qaldanaa markii uusan siin waqti ciyaareed ku filan. Waxaa la filayaa inuu helo fursaddaas, markaa waa inaan sugnaa oo aragnaa.”

Owen sidoo kale wuxuu sheegay in daafaca bidix, Patrick Dorgu, uu dareemi doono nasasho kaddib xil ka qaadista Ruben Amorim. Dorgu asal ahaan wuxuu ka ciyaaraa booska daafaca bidix, balse nidaamka 3-4-3 ee Amorim, inta badan waxaa loo adeegsaday baal-bidix

Owen wuxuu yiri:
“Dorgu mar walba kama uusan ciyaarin booska wing-back. Wuxuu ka ciyaaray booska sare ee dhinaca midig kulamadii ugu dambeeyay ama laba kulan, wuxuuna horeyba u soo ciyaaray booskaas”


“Waxaan u maleynayaa in ciyaartoyda kooxdaas ay faraxsan yihiin, haddii aan la dhihin way nafisayaan, maadaama laga yaabo inay ku laabtaan nidaam ka caadi ah. Waxaa jiri doona hal ama laba ciyaaryahan oo Amorim soo saxiixay, balse arrintaas waa wax mar walba dhaca”


“Dorgu, weli waxaan rumeysanahay inuu haysto fursad. Wuxuu ka ciyaari karaa daafaca bidix, khadka dhexe ee bidix, khadka dhexe ee midig, ama xitaa inuu noqdo qayb ka mid ah saddexda weerar ee bidix ama midig; fursado ayuu heli doonaa.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga