Michael Owen Oo Magacaabay 3 Koox Oo Liverpool Kula Tartami Doona Horyaalka Premier Leageu Xilli Ciyaareedka Dambe.

Weeraryahankii hore ee Liverpool Michael Owen ayaa aaminsan in Reds ay tartan kala kulmi doonto seddex ka mid ah kooxaha ay xafiiltamaan ee Premier League marka ay dib u bilaabaan difaacashada horyaalka premier League xilli ciyaareedka dambe.

Kooxda Jurgen Klopp ayaa xaqiijisatay hanashada horyaalkeedii ugu horreeyay muddo 30 sano ah kadib guuldaradii Man City ka soo gaadhay kooxda chelsea Khamiistii hore iyaga oo ku guulaystay horyaalka iyaga oo 7 kulan ka hadhsantahay dhamaadka xilli ciyaareedka.

Owen ayaana rumaysan in kooxda Man City dib ugu soo laaban doonto tartanka horyaalka xilli ciyaareedka sidoo kale kooxaha Chelsea Iyo Man Unted.

“Waxan u malaynayaa in ay Liverpool tahay koox adag waliba wakhti sii ahaan doonto sidaas”ayuu Owen yidhi.

“Laakiin waxa la tartami doonta kooxda Man City oo ah koox cajiib ah waxana aan arki doonaa tartan xoogan”.

“Man United ayaa ah kooxda ku soo xigta labadaas kooxood ee horumarka samaynaysa haatan una tartami karta horyaalka”.

“Chelsea sidoo kale waxa ay muujinayaan hamigooda kadib saxiixyadii ay sameeyeen waxana ay u tartami doonaan hanashada horyaalka”.

Sii Akhriso: Dowlad Deegaanka Somalida Itoobiya Oo Lagu Xidh-Xidhay Dad U Dabaal-Dagay Maalinta Qaranimada Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*