
Weeraryahankii hore ee kooxda Liverpool ee Michael Owen ayaa Mohamed Salah ku eedeeyay Bakhaylinimo kulamadii ugu dambeeyay.
Reds ayaan wax gool ah dhalin 3-dii kulan ee ugu dambaysay premier Leage iyaga oo aan wax gool ah dhalin tan ilaa kulankii ay 1/1 la galeen west Brom.
Mohamed Salah ayaan wax gool ah dhalin 4 kulan isaga oo markii ugu dambaysay ku fashilmay in uu gool dhaliyo kulankii Man United.
Owen oo 118 milyan oo premier League ah u dhaliyay Liverpool ayaa rumaysan in uuna Salah naftiisa ka horaysiinayn Kooxda Liverpool.
“Waxa jirta bakhaylinimo badan, mana arkin isaga oo sidan oo kale ah”ayuu Owen u sheegay Premier League Productions.
“Mohamed Salah kubada uma dhiibayo xiddigaha kale bakhaylnimadiisa ayaana dhibaato weyn ku ah kooxda Liverpool”ayuu sii raaciyay.
Sii Akhriso: Qaabka Aad U Xoojin Kartiin Jacaylkiina, Tallo Muhiim Ah
Gaalkas gaalku dhaly warkisa marabne waxkale mahaydan waan hubaa inaw cadawga Liverpool yahaye hadaw dhiig reds kujiro united ma aadene cidii dhagayse aasa kaliidata