Michael Olise Oo Sharxay Sababta Uu Isaga Diiday Man United Iyo Chelsea, Sabab.

Michael Olise ayaa dhamaystiray ku biiristiisa kooxda Bayern Munich kadib markii uu iska diiday kooxaha Arsenal iyo chelsea.

Kooxaha chelsea iyo Man United ayaa doonaysay saxiixa xiddiga reer France laakiin waxa uu iska diiday ku biirista kooxaha premier League.

Michael Olise ayaa haatan sharaxay sababta uu u diiday kooxaha chelsea iyo Man United una doortay kooxda Bayern.

“wadahadaladii FC Bayern waxay ahaayeen kuwo aad u wanaagsan, aad ayaan ugu faraxsanahay inaan hadda u ciyaaro koox weyn”ayuu yidhi.

“Waa horyaal cusub, waana tartan aanan horay u arag waana wixii aan doonayay, waxa aan doonayaa in aan isku muujiyo kooxdan koobabna ku hogaamiyo”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga