Michael Ballack Oo Sharaxay Sababta Ay Tahay In Uu Kai Havertz Ugu Biiro Chelsea.

Xiddigii hore ee kooxda Chelsea Michael Ballack ayaa sheegay in ay kooxda chelsea tahay kooxda ugu fiican ee uu ku biiri karo xiddiga Kai Havertz si uu u horumariyo tayadiisa gool dhalin isaga oo ka hoos ciyaaraya tababare Frank Lampard.

21 jirkan ayaa la aaminsanyahay in uu ku dhawyahay ku biirista kooxda Chelsea isaga oo haatanba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay kooxda una saxiixi doona heshiis 5 sano ah.

Ballack oo ka soo garab ciyaaray Lampard markii ay ciyaarayeen kubada ayaa sheegay in uu qaab ciyaareedka weerarka ee Tababaraha chelsea ku haboonyahay caawinta Havertz.

“Waxa aan aaminsanahay in uu Lampard 100% Ka dambayn doono Havertz”ayuu Ballack u sheegay Bild.

“Waxa uu jecelyahay xiddigaha halista ku ah goolka hortiisa mana jiraan xiddigo badan oo sidaas ah”.

“Havertz waa xiddig uu Lampard ka caawin karo in uu horumar sameeyo sababta oo ah isaga ayaa ahaa xiddig khad dhexe ah oo goolal badan dhaliyay waxana uu mar walba joogi jiray meelaha halista ah si uu u dhaliyo goolal”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*