Micah Richards Oo Saadaaliyay Fursadaha Xulka England ee Tartanka Euro 2024.

England ayaa ugu cad-cad ku guulaysiga tartanka Euro 2024 Micah Richards ayaana aaminsan in kooxda Gareth Southgate ay haysato sabab kasta oo ay ku dareemaan kalsooni.

Markii ugu dambaysay England ayaa lagu garaacay Final-ka tartanka Euro iyaga oo guuldaro kala kulmay xulka Italy.

Kahor tartanka, Richards wuxuu la hadlayaa Metro.co.uk isaga oo ka hadlay fursadaha xulka England ee tartanka.

“waxa aan qabaa in uu xulka England ugu cad-cad yahay ku guulaysiga tartanka Euro 2024″ayuu yidhi.

“Sababata aan sidaas u leeyahay waa tayada uu xulka England ku leeyahay kooxda uu taabaruhu soo xushay”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga