Micah Richards Oo Magacaabay Xiddiga Ay Tahay In Loo Doorto Xiddiga Ugu Fiican Premier Leageu Xilli Ciyaareedkan.

Xiddigii Hore ee kooxda Man City Micah Richards ayaa sheegay in uu xiddiga khadka dhexe ee Man United ee Bruno Fernandes u qalmo ku guulaysiga xidiga ugu fiican premier League xilli ciyaareedkan.

Xiddiga khadka dhexe ee reer Portugal ayaa dhaliyay 15 gool sidoo kale caawiye ka noqday 10 gool 25 kulan oo premier League ah xilli ciyaareedkan.

Qaab ciyaareedkiisa cajiibka ah ee uu soo bandhigay ayaa la macno ah in uu ugu cad-cadyahay in uu ku guulaysto abaalarminta xiddiga ugu fiican Sanadka ee PFA.

Shaki la’aan waxa uu tartan adag kala kulmi doonaa xiddigaha kooxda Man City ee Ilkay Gundogan, Ruben Dias & Joao Cancelo kuwaas oo dhamaantood qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay xilli ciyaareedkan.

Laakiin daafacii hore ee kooxda Man City ee Micah Richards ayaa sheegay in uu Fernandes ku guulaysto abaalmarinta dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Micah Richards oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi” Waxa jira xeer u qoran Man City, markii aan ciyaarayay kubada cagta marka laga hadlay abaalmarinta xiddiga ugu fiican sanadka”.

“Hadii uu xiddig Man United u ciyaara tartamayo Laakiin ay Liverpool ama Chelsea xiddigo ku leeyihiin waliba si fiican u ciyaaray waxa aan u codayn jirnay xiddigaha iverpool ama Chelsea”.

“Waa siyaasad u taalay qolka Labiska Man City sababta oo ah maanu dooni jirin in aan u codayno kooxda nala xafiiltanta”.

“Laakiin dabcan waxa jirtay qirasho marka aad aragto xiddig si fiican u ciyaaraya”.

“Waxa jira xiddigo badan oo qaab ciyaareed fiican ku jira una tartamaya baalmarinta laakiin aniga ahaan xiddiga ugu fiican ee ay tahay in loo doorto xiddiga sanadka waa Burno Fernandes”.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*