Mesut Ozil Oo Ka Fal Celiyay Ku Guulaysigii Arsenal Ee FA Cup-ka

Xiddiga Mesut Ozil ayaa fariin uu ugu Hambalyeeyay xiddigaha ay isku kooxda yihiin u soo diray kadib markii ay Gunners ku guulaystay FA Cup-ka xilli uu ku maqnaa Dalkiisa Germany intii uu socday kulanku.

2 Gool oo uu Pierre-Emerick Aubameyang dhaliyay ayaa Gunners ka caawisay in ay 2/1 ku garaacdo chelsea kadib markii ay Blues goolka ku hor martay.

Xiddiga khadka dhexe ee Ozil ayaa gabi ahaan ka maqnaa kulanka isaga oo ku sugnaa Dalka Germany halkaasna ka daawanayay ciyaarta.

Kadib markii ay ciyaartu dhamaatay Xiddiga khadka dhexe ee Mesut Ozil ayaa Instagram-kiisa ku soo qoray” Shaqo fiican wiilasha”.

Xiddiga khadka dhexe ee reer Germany ayaan wax kulan ah u ciyaarin Arsenal tan ilaa markii dib loogu soo laabtay xilli ciyaareedka.

Laacib.net

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*