Mesut Ozil Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Arsenal Kadib Markii Laga Reebay Liiska Kooxda Ee Premier League.

Mesut Ozil ayaa lagu soo waramayaa inuu ka tagi karo Arsenal inta lagu jiro suuqa kala iibsiga bisha Janaury.

Xiddiga 31 jirka ah ayaan u ciyaarin Arsenal tan ilaa bishi March waxana laga reebay Liiska 25-ka xiddig ee ay kooxdu ku ciyaari doonto Premier League xilli ciyaareedkan.

Heshiiska Ozil ee Kooxda Arsenal ayaa dhici doona xagaaga 2021 laakiin wargayska Daily Star ayaa sheegaya in uu xiddiga reer Germnay go’aansaday in uu isaga tago kooxda bilowga sanadka 2021.

Wararka ayaa sheegaya in uu xiddigu ku biiri karo kooxda DC United kuwaas oo xiiso u qaba saxiixa xiddiga kubad sameeyaha.

Ozil ayaa mushahar ahaan kooxda uga qaata kooxda lacag dhan 350 kun oo Gini todobaadkii laakiin aan u ciyaarin kooxda Mikel Arteta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*