Mesut Ozil Oo Gaadhay Turkey Si Uu U Dhamaystiro Ku Biiristiisa Fenerbahce.

Xiddiga khadka dhexe ee Mesut Ozil ayaa gaadhay dalka Turkey si uu ugu biiro kooxda Fenerbahce kadib markii uu xaqiijiyay in uu isaga tagay kooxda Arsenal.

Kooxda Fenerbahce ayaa baraha bulshada soo dhigay xiddiga khadka dhexe ee Ozil kaas oo is hor haya calaamada kooxda ka hor inta ayna ku dhawaaqin.

Sidoo kale kooxda Fenerbahce ayaa Twitter-keeda ku qortay”Waxa aan keenay Mesut Ozil-keena”.

Xiddiga 32 jirka ah ayaa isaga tagay kooxda Arsenal kadib 8 sano oo uu joogay kooxda ku ciyaarta Emirates kuna qaatay wakhti fiican.

Xiddiga ayaa dhankiisa xaqiijiyay in uu isaga tagay kooxda Arsenal kadib markii uu waraysi siiyay Tv laga leeyahay Dalka Turkey.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*