Mesut Ozil Oo Fariin Calaacal Ah U Diray Taageerayaasha Arsenal

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Arsenal ee Mesut Ozil ayaa calaacal u diray taageerayaasha kooxdiisa Arsenal isaga oo sheegay in uu doonayo in uu helo fursada uu kooxda uga caawin karo in ay ka baxdo xaalada ay kujirto.

Ozil ayaan ciyaarin hal daqiiqo ciyaarin xilli ciyaareedkan isaga oo laga reebay Liisaska Arsenal ee Europa League iyo Premier League.

Xiddiga 32 jirka ah ayaa u muuqda in uu ciyaaray kulankiisii ugu dambeeyay marka loo eego in uu heshiiskiisu dhici doono xagaaga.

Arsenal ayaa haatan ku jirta kaalinta 15-aad ee premier League iyaga oo laga badiyay 5 ka mid ah 7-dii kulan ee ugu dambeeyay sidoo kale laga reebay tartanka Carabao cup-ka.

Xilli uu ka qayb qaadanayay su’aalo iyo jawaabo Twitter-ka ah xiddiga reer Germany ayaa qirtay in uu ka niyad jabsanyahay xaaladiisa Arsenal.

“Waxa lagu jiraa wakhti adag oo cid walba oo kooxda ah,aniga kaliya ma ahan, xaaladu waa mid niyad jab u ah cid walba laakiin waxa aan doonayaa in aan caaiyo kooxda gaar ahaan haatan laakiin maadama aanan helin fursad waxa aan rajaynayaa in ay wax walba fiicnaadaan dhawaan”ayuu Ozil yidhi.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*