Messi, White, Mbappe, Malen, Grealish, Xhaka, McGinn & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Waxa si Rasmi ah u dhamaaday xilli ciyaareedka 2020/2021 waxana ay kooxaha reer yurub bilaabayaan qorshaynta suuqa kala iibsiga iyo xiddigaha ay doonayaan in ay la soo saxiixdaan inta uu suuqu furanyahay si ay ugu xoojiyaan kooxohooda.

Kooxaha reer yurub iyo waliba xiddigaha ayaa bilaabaya indha-indhaynta xiddigo iyo kooxo cusub oo ay ka ciyaaraan xilli ciyaareedka dambe iyada oo kooxuhu haatan la saxiixan karaan xiddigaha ay doonayaan.

Inkasta oo uu suuqu furmi doono bilowga bisha dambe hadana kooxaha ayaa dhamaystiri kara saxiixyada xiddigaha ay doonayaan maadama uuna jirin horyaal furan oo ay xiddiguhu diirada saari doonaan.

Hadaba waxa aan maalin walba si joogto ah idiinku soo bandhigi doonaa wararka xiddigaha iyo kooxaha kala duwan ee suuqa kala iibsiga.

Kooxda Arsenal ayaa talaabo u qaaday saxiixa xiddiga Ben White iyaga oo ku dhaw in ay kooxda Brighton kala heshiiso saxiixa xiddiga oo ku kacaya 50 milyan oo euro (Athletic).

Kooxda Liverpool ayaa dalab lama filaan ah ka gudbin doonta saxiixa xiddiga Kylain Mbappe kadib markii uu xiddigu warqada bixitaanka u gudbiyay kooxda PSG (Star).

Kooxda Man City ayaa rajaynaysa in ay 100 milyan ku dhamaystirto saxiixa xiddiga Jack Grealish inta lagu jiro suuqa xagaagan (Sun).

Si kasta ha ahaatee kooxda Aston Villa ayaa ku kalsoon in ay Sii haysan doonto xiddiga khadka dhexe una diidi doonto Man City (Atletic).

Kooxda Aston Villa ayaa Liverpool u sheegtay in uuna xiddiga John McGinn iib ahayn suuqa xagaagan (Express).

Koxoda Liverpool ayaa si gaar ah ula socota xiddiga khadka dhexe ee kooxda Lille iyo xulka Portugal ee Renato Sanches kaas oo uu Klopp u doonayo badalka Gini Wijnaldum (HITC).

Kooxda Liverpool ayaa sidoo kale wadahadalo la furtay kooxda PSV kuwaas oo ay ka doonayaan saxiixa xiddiga Donyell Malen iyaga oo diyaarinaya dalab 34 milyan oo euro ah (Sky Germany).

Kooxda Chelsea ayaa la filayaa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga daafaca dhexe ee kooxda Sevilla ee Jules Kounde (ABC).

Xiddiga William Saliba ayaa la filayaa in uu qaab amaah ah ugu biiro koox ka mid ah kooxaha premier League (Footmercato).

Kooxda Arsenal ayaa isku diyaarinaysa in ay dalab Rasmi ah ka gudbiso saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Sassuolo ee Manuel Locatelli (Star).

Kooxda Barcelona ayaa diyaar u ah in ay Inter Milan u ogolaato saxiixa Jordi Alba hadii ay badalkiisa ka helayaan xiddiga Alessandro Bastoni (ESPN).

Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa qarka u saaran in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Barcelona (Times).

Kooxda chelsea ayaa bartilmaameed ka dhigatay xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Napoli ee Lorenzo Insigne (Il Mattino).

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*