Messi, Van de Beek, Saul, Ronaldo, Pogba, Ziyech, Coutinho, Varane & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Waxa si Rasmi ah u dhamaaday xilli ciyaareedka 2020/2021 waxana ay kooxaha reer yurub bilaabayaan qorshaynta suuqa kala iibsiga iyo xiddigaha ay doonayaan in ay la soo saxiixdaan inta uu suuqu furanyahay si ay ugu xoojiyaan kooxohooda.

Kooxaha reer yurub iyo waliba xiddigaha ayaa bilaabaya indha-indhaynta xiddigo iyo kooxo cusub oo ay ka ciyaaraan xilli ciyaareedka dambe iyada oo kooxuhu haatan la saxiixan karaan xiddigaha ay doonayaan.

Inkasta oo uu suuqu furmi doono bilowga bisha dambe hadana kooxaha ayaa dhamaystiri kara saxiixyada xiddigaha ay doonayaan maadama uuna jirin horyaal furan oo ay xiddiguhu diirada saari doonaan.

Hadaba waxa aan maalin walba si joogto ah idiinku soo bandhigi doonaa wararka xiddigaha iyo kooxaha kala duwan ee suuqa kala iibsiga.

Kooxda PSG ayaa dalab Rasmi ah oo aad u sareeya Miiska u saartay xiddiga Lionel Messi oo ah xiddig xor ah kadib markii uu dhacay heshiiskiisa Barcelona (AS).

Kooxda Real Madrid ayaa Man United u sheegtay in ay xiddiga Donny Van de Beek ka qayb dhigto heshiiska ay ku doonayso daafaca dhexe ee Raphael Varane (Star).

Kooxda Real Madrid ayaa qaab amaah ah ku heli doonta xiddiga Van de Beek ka hor inta ayna sii toos ah ula wareegin xagaaga dambe (Sun).

Kooxda Man United ayaa wali doonaysa in ay Juventus ka hesho xiddiga Cristiano Ronaldo waliba iyaga siiyaan xiddiga Paul Pogba (Sun).

Kooxda Liverpool ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Atletico Madrid ee Saul Niguez kaas oo doonaya in uu ku soo biiro premier League (La Razon).

Kooxda Liverpool ayaa sidoo kale xiiso u qabta saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Lille ee Renato Sanches (Onze Modial).

Tababaraha Kooxda Juventus e Maxi Allegri ayaa maamulka kooxdiisa ku war galiyay rabitaankiisa ah in uu la soo wareego xiddiga Paul Pogba (90MIN).

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Chelsea ee Hakim Ziyech ayaa doonaya in uu ku biiro kooxda Ac Milan xagaaga (Corriere dello Sport).

Sidoo kale kooxda Barcelona ayaa Ac Milan u soo bandhigtay xiddiga khadka dhexe ee Philippe Coutinho  (Mundo Deportivo).

Xiddiga khadka dhexe ee Martin Odegaard ayaa kooxda Asenal u sheegay in uu ku laaban doono kooxda Real Madrid oo uuna mar kale ku soo laaban doonin Arsenal (Football London).

Kooxda Arsenal ayaa maalmaha soo socda ku dhawaaqi doonta saxiixa xiddiga daafaca Bidix ee Nuno Tavares (Mail).

Kooxda Arsenal ayaa dhanka kale ku kalsoon in ay dhamaystiri doonto saxiixa daafaca dhexe ee kooxda Brighton ee Ben White (Star).

Kooxda Arsenal ayaa isku dayaysa in ay PSG ka afduubato saxiixa daafaca dhexe ee Sergio Ramos kadib markii uu ka tagay Real Madrid (Mirror).

Kooxda Arsenal ayaa doonaysa in ay iska iibiso xiddiga Willian inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga (Mirror).

Daafaca dhexe ee kooxda Real Madrid ee Raphael Varane ayaa haatana heshiiska shaqsiga ah la gaadhay kooxda Man United (Express).

Kooxda Man United ayaa Liverpool ku garbinaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Brighton ee Yves Bissouma (Manchester Evening News).

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*