Messi, Sancho, Pochettino, Alli, Eriksen, Christie, Shaqiri, Holding & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Waxa si Rasmi ah u furmay suuqa kala iibsiga January iyada oo kooxaha kala duwan ee yurub ay suuqa u gali doonaan si ay u xoojiyaan kooxohooda.

Sidoo kale waxa jira xiddigo aan si joogto ah u ciyaarin kuwaas oo doonaya in ay ku biiraan kooxo ay joogto ugu ciyaaraan qaybta dambe ee xilli ciyaareedkan.

Kooxda.com ayaa xusaysa in wararka aanu ka soo xiganay wargaysyada kubada cagta ee ku hor xusan wararka wax masuul ahna kama nihin.

Kooxda Man United ayaa ku kalsoon in ay lacag ka yar 100 milyan oo euro kula soo saxiixan karto xiddiga Jadon Sancho (90 Min).

Tababaraha cusub ee kooxda PSG ee Mauricio Pochettino ayaa doonaya in uu saxiixyadiisa ugu horeeya ka dhigo xiddigaha Dele Alli iyo Christian Eriksen (AS).

Kooxda Liverpool ayaan bishan iibin doonin xiddiga garabka ka ciyaara ee Xherdan Shaqiri (Liverpool Echo).

Kooxda Arsenal ayaa doonaysa in ay kooxdeeda ku xoojiso xiddiga kooxda Celtic ee Ryan Christie iyaga oo waliba xiddiga Kieran Tierney u adeegsan doona in uu ku qanciyo u soo dhaqaaqista Emirates (90 Min).

Tababaraha Kooxda Real Madrid Zinedine Zidane ayaa kooxdiisa u sheegay in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddigaha Sergio Ramos, Luka Modric iyo waliba Lucas Vazquez (Team Talk).

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Arsenal ee Rob Holding ayaa ku dhaw in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Arsenal (Telegraph).

Kooxda Arsenal ayaa doonaysa saxiixa xiddiga kubad sameeyaha kooxda Borussia Dortmund ee Julian Brandt (Sun).

Kooxda PSG ayaa isku diyaarinaysa in ay kooxda Tottenham ka afduubato saxiixa Goolhayaha Hugo Lloris (Sun).

Kooxda chelsea ayaa dhanka kale qorshaynaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa Goolhayaha kooxda Ac Milan ee Gianluigi Donnarumma (Sun).

Kooxda Liverpool ayaa wadahadalo horumar leh kula jirta kooxda Lille kaas oo ay ka doonayso saxiixa daafaca Sven Botman (Exprees).

Kooxda Arsenal ayaan u dhaqaaqi doonin saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Lyon ee Houssem Aouar sabab la xidhiidha in uu qaali ku yahay (Express)

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Liverpool ee Georginio Wijnaldum ayaa doonaya in uu sii joogo kooxda Liverpool xilli uu xiiso ka helayo kooxaha Man City iyo Chelsea (Express).

Kooxaha PSG iyo Man City ayaa doonaya in ay wadahadalo ay heshiis hordhac ah kula gaadhaan la furaan xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi (Mirror).

Tabaabre Arsene Wenger ayaa xaqiijiyay in uu ku soo laaban doono kooxda Arsenal hadii loo baahdo (Mirror).

Sii Akhriso: U Gaar Ah Lamaanaha: Waa Maxay Sababta Ay Raggu Si Deg-deg Ah Ugu Seexdaan Kadib Kulanka Sariirta?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*