Messi, Ramos & Shaxda Cajiibka Ah Ee Laga Sameeyay Xiddigaha Bilaa Kooxda Ah Maanta.

Lionel Messi iyo Sergio Ramos ayaa haatan bilaa koox ah waxana ay Liiska kula biireen xiddigo badan oo heer sare ah kuwaas oo haatan bilaa koox ah laguna helayo qaab lacag la’aan ah.

Xiddiga 6-da jeer ku guulaystay abaalmarinta Balon d’Or ee Lionel Messi ayuu heshiiskiisu dhacay shalay oo 30-ka bisha June ahayd ilaa haatana heshiis cusu uma saxiixin.

Dhanka kale Sergio Ramos ayaa xaqiijiyay in uu isaga tagayo kooxda Real Madrid kadib markii uu dhacay heshiiskiisa isaga oo ka tagay Real kadib 16 sano oo uu joogay kooxda Los Blancos.

Xiddiga Man United ee Juan Mata iyo xiddiga Fiorentian ee Ribery ayaa sidoo kale ku jira liiska xiddigaha bilaa kooxda ah ilaa haatan saacadan la joogo.

Xiddiga Chiellini, Boateng iyo Wilsher ayaa sidoo kale suuqa ku yaala qaab lacag la’aan ah kadib markii ay dheceen heshiisyadii ay kula jireen kooxohooda.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 4 Calaamad Oo Muujinaysa In Uu Ninku Iska Dhigayo In Uu Ku Jecelyahay Laakiin Uuna Wax Jacayl Ah Kuu Hayn.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*