WARBIXIN: Messi & Ramos Oo Hogaaminaya Xiddigo Bilaa Koox Noqon Doonta Maanta

Maanta si Rasmi ah u furmaya suuqa kala iibsiga xagaaga waxana jira xiddigo badan oo bilaa koox noqon doona iyada oo heshiisyadoodu dhici doonaan kana tagi doonaan kooxohooda.

Waxa Jira xiddigo badan oo magac ku leh kuwaas oo raadin doona kooxo cusub oo ay qaab bilaash ah iyaga oo aan wax lacag ah laga bixin doonin.

Xiddigahan ayaa ku soo hagaagay wakhti ay adagtahay in lacag badan suuqa la galiyo sabab la xidhiidha xaalad dhaqaale xumo oo uu sababay xanuunka Korona.

Waxa ku jira xiddigaha maanta xorta noqon doona xiddigo mar hore ku biiray koox cusub laakiin waxa jira xiddigo aan wali go’aan ka gaadhin halka ay ka ciyaari lahaayeen.

Xiddigaha ugu magaca weyn waxa ugu horeeya xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel messi iyo xiddiga kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos halka ay sidoo kale ku jiraan xiddigo badan oo fiican.

Hadaba Halkan Kaga Bogo Liiska xiddigaha xorta noqon doona maanta ee aan wali koox ku biirin ama heshiis cusub u saxiixin kooxohooda.

  1. Lionel Messi (Barcelona).
  2. Sergio Ramos (Real Madrid).
  3. Gianluigi Donnarumma (AC Milan)
  4. Jerome Boateng (Bayern Munich).
  5. Juan Mata (Manchester United).
  6. David Luiz (Arsenal).
  7. Shkodran Mustafi (Arsenal).
  8. Hatem Ben Arfa (Bordeaux).
  9. Diego Costa.
  10. Nicolas Nkoulou (Torino).
  11. Elseid Hysaj (Napoli).
  12. Kevin Gameiro (Valencia).

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*