Messi Oo Abaarta Kaga Baxay Man City , Hantilaayaasha Iyo Real Madrid Oo Laga Badiyay

PSG ayaa guul muhiim ah ka gaartay Man City xilli goolhayahooda looga mahad celinayo guushaas  xilli Real Madrid si la yaab leh looga badiyay

Sheekada ciyaarta ,  PSG ayaa nasiinada  ugu dirtay Man City hal gool kaasi oo yimid daqiiqaddii 1-aad waxaana dhaliyay

Gueye ka dib qalad dhanka daafaca ah oo ka dhacay .

City qeybihii koowaad waxaa ku adkaa  in kubadda si sax ah u jiidaan waxaana halis aheyd PSG kuwaasi oo kubad deg degsiimo leh ciyaarayay .

Ka dib dhacdooyinkaas , City waxaa diiday nasiibka iyo goolhayaha PSG kaasi oo bad baado cajiib ah sameynayay xilli birtana ay diiday balse City waa mudnaayeen in ay helaan goolka bar bar dhaca , xilli guud ahaan City ay ka xoogganeyd PSG .

Soo laabashadi , City kubadda iyaga ayaa kaga badnaa PSG m dhan waliba ay goolka raadiyeen balse kaliya dhameystirka ayaa ka dhinnaa

Kulankaan waxaa PSG caawiyay goolhayahooda kaasi oo kubad waliba oo halis ah ka hor istaagay City oo dhamaadkii maciin bidiyay kubadaha dhaadheerka

PSG wax aay ku tiirsanaayeen kubadaha rogaal celiska xilli City maamulka qadka dhexe haysteen balse kooxda reer France waa laga filan karay gool ilaa ugu dambeyn ay heleen ka dib rogaal celis kubad aheyd waxaana meel fog ka toogtay Messi oo shabaq dhigay daqiiqadii 74-aad

City kulankaan wax waliba oo ay sameeyeen waxaa diiday da`yarkii hore Milan Donnarumma kaasi oo gooall xaqiiq ahaa u diiday City

Dhanka kale Real Madrid ayaa guul darro kala kulantay kooxda FC Sheriffoo 2/1 ku garaacday , waxaan kooxda Ancelotti ku adkaa dhameystirka iyo abuurista fursado xaqiiq ahaa .

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*