Messi Miyuu Ciyaari Karaa Kulanka Bayern Munich Ka Dib Dhaawacii Gaaray Xalay?

Xogo cusub ayaa ka soo baxaya dhaawacii xalay Messi ku gaaray kulankii Napoli ee Champion-ka xilligaas oo ay Barca ku badiyeen natiijo ah 3/1 oo ay isaga xaadirayeen wareegga 8-da .

Messi ayaa dhaawac culus la kulamy ka hor dhamaadkii qeybta koowaad ka dib markii daafaca Napoli ee Kalidou Koulibaly uu haraantiyay Messi isaga oo aan ula kac u sameyn arintaas .

Waxaana ka dib Barcelona loo dhigay rigoore uu gool u turjumay Suarez waana goolkii sedexaad ee kooxda Barcelona ay dhaliyeen .

Idaacadda Cadena Cope ee Spain ayaa baahisay in cagta Messi ay barartay ka dib kulankaas inakstoo weli taqaatiirta kooxda war ka soo saarin xaaladiisa.

Waxa uu warka intaas ku darayaa in Messi uu dareemayay xanuun inkastoo maamulka Barcelona aamisan yihiin in xanuunkaas kaliya uu yahay mid ka dhashay jugtaas balse aysan jirrin wax laga wel welo .

Idaacadaas Cadena Cope waxa ay intaas ku dareysaa in Messi uu diyaar u ahaanayo kulanka wareegga 8-da Champion-ka ee ay Bayern Munich la ciyaarayaan jimcaha soo socda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*