Ronaldo, Lukaku, Pogba, Abraham, Lingard, Sterling & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Waxa si Rasmi ah u dhamaaday xilli ciyaareedka 2020/2021 waxana ay kooxaha reer yurub bilaabayaan qorshaynta suuqa kala iibsiga iyo xiddigaha ay doonayaan in ay la soo saxiixdaan inta uu suuqu furanyahay si ay ugu xoojiyaan kooxohooda.

Kooxaha reer yurub iyo waliba xiddigaha ayaa bilaabaya indha-indhaynta xiddigo iyo kooxo cusub oo ay ka ciyaaraan xilli ciyaareedka dambe iyada oo kooxuhu haatan la saxiixan karaan xiddigaha ay doonayaan.

Inkasta oo uu suuqu furmi doono bilowga bisha dambe hadana kooxaha ayaa dhamaystiri kara saxiixyada xiddigaha ay doonayaan maadama uuna jirin horyaal furan oo ay xiddiguhu diirada saari doonaan.

Hadaba waxa aan maalin walba si joogto ah idiinku soo bandhigi doonaa wararka xiddigaha iyo kooxaha kala duwan ee suuqa kala iibsiga.

Kooxda Bayern Munich ayaa Arsenal iyo Man United u sheegtay in ay bixiyaan ugu yaraan 10 milyan si ay u helaan xiddiga khadka dhexe ee Corentin Tolisso (Bild).

Kooxda Sevilla ayaa diyaar u ah in ay chelsea wadahadalo kala furto daafaca dhexe ee Jules Kounde (Marca).

Cristiano Ronaldo ayaa lagu soo waramayaa in uu diyaar u yahay in uu u dhaqaaqo horyaalka France si uu uga hor tago Lionel Messi (Telefoot).

Kooxda Arsenal ayaa wax walba u samayn doonta si ay ula soo saxiixato xiddiga Martin Odegaard (AS).

Kooxda Arsenal ayaa heshiiska shaqsiga Ah la gaadhay xiddiga Tammy Abraham laakiin dhibaatada ayaa ah in ayna Arsenal diyaar u ahayn in ay bixiso lacagta 40-ka milyan ee ay chelsea doonayso (Mirror)

Kooxda PSG ayaa dalab 50 milyan ah ka gudbisay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Rennes Eduardo Camavinga (Foot Mercato)

Kooxda Man City ayaa doonaysa in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga Raheem Sterling inta lagu jiro xilli ciyaareedkan (Sun).

Xiddiga lala xidhiidhinayo kooxaha Atletico Madrid, Arsenal & Tottenham Hotspur ee Dusan Vlahovic ayaa doonaya in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Fiorentina (Corriere dello Sport).

Kooxda Southampton ayaa doonaysa in ay qaab amaah ah kula wareegto Xiddiga kooxda Liverpool ee Alex Oxlade-Chamberlain (Sun).

Kooxda Bayern Munich ayaa xaqiijisay in ay doonayso saxiixa xiddiga Erling Haaland kaas oo ay u doonayso badalka Robert Lewandowski xilli ciyaareedka dambe (Sport1).

Romelu Lukaku ayaa qarka u saaran in uu dhamaystiro saxiixa uu ugu biirayo kooxda Chelsea kadib markii uu ku baasay tijaabada caafimaadka (Fabrizio Romano).

Kooxda PSG ayaa doonaysa in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga Kylian Mbappe kaas oo ay maalmaha sare u soo bandhigi doonto heshiiskiisa (le10sport).

Kooxda PSG ayaa si Rasmi ah uga hadhay xiisaha ay u qabtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba (Le Parisien).

Kooxda Liverpool ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga reer Belguim ee Jeremy Doku (Voetbal 24).

Kooxda Roma ayaa lagu soo waramayaa in ay Chelsea kala heshiisay saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara ee Tammy Abraham (Mail).

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay doonayso saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man United ee Jesse Lingard (Football London).

Kooxda PSG ayaa la filayaa in ay 24 saac gudohood ugu dhawaaqdo saxiixa xiddiga Lionel Messi (Times).

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 6 Arin Oo Ay U Fiirsadaan Raggu Kulankiina Ugu Horeeya, Ku Dadaal Inta Awoodaada Ah Si Aanu Kaaga Boodin Ninku.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*