Messi, Kane, Bellingham, Ronaldo, Pique, De Gea & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Waxa xidhan suuqa kala iibsiga maadama lagu jiro bilowga xilli ciyaareedka laakiin arintaas ayaan la macno ahayn in ayna kooxuhu isha ku hayn xiddigo kala duwan.

Kooxaha kala duwan ayaa qiimaynaya xiddigaha ay u dhaqaaqi doonaan suuqa January iyada oo ay sidoo kale wadahadalo la qaadan karaan wakiilada xiddigaha ay doonayaan.

Kooxda.com ayaa idiin soo gudbinaysa wararkii ugu dameeyay ee ay wargaysyadu ka qoreen suuqa kala iibsiga.

Xiddiga kooxda PSG ee Lionel Messi ayaa iska diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda PSG isaga oo qaab xor ah uga tagi doona kooxda xagaaga (Beteve).

Weeraryahanka Tottenham ee Harry Kane ayaa bartilmaameed u ah kooxda Bayern Munich si ay ugu badashaan Roberto Lewandowski (Kicker).

Goolhaye Ben Foster ayaa u sheegay Xiddiga Jude Bellingham in uu iska diido kooxaha kale kuna biiro Man United (Metro).

Liverpool ayaa sidoo kale bartilmaameed ka dhigatay xiddiga Jude Bellingham laakiin waxa ay diyaartaya badalkiisa hadii ay ku fashilmaan in ay helaan saxiixiisa waxana ay calaamadsadeen xiddiga Benfica ee Enzo Fernandez (Fichajes).

Kooxda Borussia Dortmund ayaa xiiso u qabta saxiixa xiddiga kooxda Liverpool ee Naby Keita iyaga oo doonaya in ay u dhaqaaqaan saxiixiisa suuqa January ama xagaaga (Star).

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay Dortmund u soo bandhigi doonto Keita iyo waliba lacag si ay u helaan saxiixa xiddiga Jude Bellingham (Sun).

Madaxweynaha Kooxda reer Sucuudi ee Al Hilal ayaa xaqiijiyay in ay kooxdiisu dalab waali ah ka gudbisay saxiixa Cristiano Ronaldo xagaagii (Mirror).

Xiddiga Kooxda Man City ee Erling Haland ayaa xiddiga Borussia Dortmund ee Jude Bellingham ku qancinaya in uu ku biiro Man City (Mirror).

Kooxda Atletico Madrid ayaa doonaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa daafaca kooxda Barcelona ee Gerard Pique (Mirror).

Kooxda Juventus ayaa isku diyaarinaysa in ay suuqa January ama xagaaga u dhaqaaqdo saxiixa Goolhayaha Man United ee David De Gea (Mail).

Lionel Messi ayaa diyaar u ah in uu ku laabto kooxda Barcelona marka uu dhoco heshiiskiisa kooxda PSG (Sun).

Weeraryananka kooxda Athletic Bilbao ee Inaki Williams ayaa xaqiijiyay in uu iska diiday ku biirista Kooxda Liverpool (Express).