Messi, Grealish, Wijnaldum, Salah, Alaba, Grealish & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Waxa si Rasmi ah u furmay suuqa kala iibsiga January iyada oo kooxaha kala duwan ee yurub ay suuqa u gali doonaan si ay u xoojiyaan kooxohooda.

Sidoo kale waxa jira xiddigo aan si joogto ah u ciyaarin kuwaas oo doonaya in ay ku biiraan kooxo ay joogto ugu ciyaaraan qaybta dambe ee xilli ciyaareedkan.

Kooxda.com ayaa xusaysa in wararka aanu ka soo xiganay wargaysyada kubada cagta ee ku hor xusan wararka wax masuul ahna kama nihin.

Musharaxa madaxweyne ee kooxda Barcelona Agusti Benedito ayaa sheegay in uu filayo in uu Lionel Messi isaga tagi doono kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan (Goal).

Man City ayaa ku kalsoon in ay ku horayso tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi (Telegraph).

Laakiin Barcelona ayaa dooaysa in ay iibsato koox ka ciyaarta horyaalka Maraykanka si ay Messi Ugu Qanciyaan in uu u ciyaaro kooxdaas kadib markii uu sheegay in uu doonayo ka ciyaarista horyaalka Markaykanka (AS).

Kooxda Aston Villa ayaa Man United ka diiday dalab lacageed oo ay ku doonaysay saxiixa xiddiga Jack Grealish (Mail).

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Liverpool ee Georginio Wijnaldum ayaa isku diyaarinaya in uu ku biiro kooxda Barcelona (Sky Sport).

Kooxda Liverpool ayaa hogaanka u qabatay tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga David Alab kadib markii ay dalab 9 milyan ah u soo bandhigtay xiddiga (Express).

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa qirtay in uu xiiso u qabo saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Brighton ee Yves Bissouma bishan January (Mail).

Mikel Arteta ayaa sidoo kale xaqiijiyay in ay Arsenal ku dhawaaqi doonto saxiixa xiddiga Omar Rekik (Mail).

Kooxda PSG ayaa diyaarsatay qorshe cusub oo ay suuqa January ugu dhaqaaqayso saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Dele Alli (Telegraph).

Kooxda Aston Villa ayaa Man United u sheegtay in ay bixiso lacag dhan 90 milyan oo euro hadii ay doonayso saxiixa xiddiga Jack Grealish (Sports Mole).

Maamulka kooxda chelsea ayaan ku kalsoonayn saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda West Ham ee Declan Rice (Sports Mole).

Kooxda Real Madrid ayaa xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ka dhigatay bartilmameedka 1-aad kadib markii uu xiddigu diiday in uu Albaabka ka xidho u dhaqaaqista Spain (Sport).

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*