Messi, Camavinga, Ramos, Alaba, Khedira, Van Dijk, Wijnaldum, Isco, Sancho, Kante & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga.

Suuqa Kala Iibsiga ayaan furnayn laakiin arintaas ayaan kooxaha kala duwan ee adduunka ka hor istaagin in lala xidhiidhiyo xiddigo kala duwan.

Suuqa ayaa furmi doona bilowga sanadka cusub ee 2021 gaar ahaan bisha January waxana ay kooxaha kala duwan ee adduunku haatanba bilaabeen dadaalada ay ku doonayaan in ay saxiixyo cusub ku helaan marka uu suuqa kala iibsigu furmo.

Dhanka kale waxa jira xiddigo marka uu suuqu furmo doonaya in ay isaga tagaan kooxohooda haatan si ay u badbaadiyaan xirfadoosa ama ay ugu biiraan koox ay koobab kula guulaystaan qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.

Hadaba kooxda.com ayaa halkan idiinku soo gudbin doonta wararkii ugu dambeeyay ee xanta suuqa kala iibsiga.

Waxa xusid mudan in ayna kooxda.com wararkan ka soo qaadatay wargaysyada ku hor qoran wararka suuqa kala iibsiga.

Kooxda Man City ayay ka go’antahay in ay u dhaqaaqdo saxiixa Lionel Messi kadib markii uu Pep Guardiola qalinka ku duugay heshiis cusub (Mirror).

Man Uniteda ayaa PSG iyo Real Madrid kula tartami doonta saxiixa xiddiga kooxda Rennes ee Eduardo Camavinga (Marca).

Daafaca kooxda Liverpool ee Virgil van Dijk ayaa rajaynaya in uu mar kale ciyaaro xilli ciyaareedkan kadib markii uu xiddiga 29 jirka ah ku soo laabtay tababarka Fudud (Mai).

Kooxaha Real Madrid iyo Inter Milan ayaa kor u qaaday dadaalka ay ku doonayaan saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Liverpool ee Georginio Wijnaldum (Mundo Deportivo).

Dhawr koox oo premier League ah ayaa xiiso u qaba saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos (90min).

Weeraryahanka kooxda Chelsea ee Olivier Giroud ayaa sheegay in uu isgaa tagi doono kooxda chelsea suuqa January si uu u badbaadiyo booskiisa tartanka Euro ee xagaaga dambe (Guardian).

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Juventus ee Sami Khedira ayaa doonaya in uu ku biiro Premeir league waxana uu ku dhawyhay kooxda Man United (Sun).

Kooxda Juventus ayaa doonaysa in ay dhaqan galiso shardiga ay sida tooska ah ugula wareegayaan xiddiga Alvaro Morata (Goal).

Kooxda Arsenal ayaa kali ku noqotay baacsiga saxiixa xiddiga kooxda Real Madrid ee Isco kadib markii ay Everton ka baxday tartanka (Mail).

Kooxda Barcelona ayaa isku diyaarinaysa in ay iska fasaxdo ugu yaraan 6 xiddig marka uu furmo suuqa January (Mirror).

Xiddiga Borussia Dortmund ee Jadon Sancho ayaa heegan galiyay kooxda Man United kadib markii uu kooxdiisa u sheegay in uu doonayo ku laabashada premier League (Express).

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Barcelona ee Ousmane Dembele ayaa dhamaystiran doona heshiiskiisa Barcelona ka hor inta uuna si xor ah uga tagin kooxda (Express).

Kooxda Inter Milan ayaa isaga hadhay baacsigii ay ugu jirtay xiddiga Arsenal ee Granit Xhaka iyaga oo haatan u dhaqaaqi doona N’Golo Kante (Express).

Arsenal ayaa seegtay saxiixa xiddiga kooxda Liverpool ee Diogo Jota ka hor intii uuna ku biirin Atletico Madrid sanadkii 2016 (Star).

Kooxda Real Madrid ayaa u dhaqaaqi doonta saxiixa xiddiga Bayern Munich ee David Alaba hadii uu Sergio Ramos ka tago kooxda iyo hadii kaleba (Marca).

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*