Messi & Benzema Oo Hogaaminaya Shaxdii Ugu Fiicnayd Horyaalka La Liga.

Waxa xalay oo Axad ahayd si Rasmi ah u soo dhamaaday xilli ciyaareedka 2019/2020 ee horyaalka La Liga shabada WhoScored ayaana soo saartay shaxdii ugu fiicnayd ee horyaalka La Liga xilli ciyaareedkii dhamaaday.

Waxa aan lama filaan noqon in ay kooxda Real Madrid xiddigaha ugu badan ku yeelatay maadama ay ku guulaysteen horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan kadib xilli ciyaareed cajiib ah oo ay soo bandhigeen.

Kooxda Real Madrid ayaa shaxda ku leh 4 xiddig kuwaas oo qiimayntoodu ahayd 7 ama kor u dhaafaysay halka ay Barcelona ku lahayd laba xiddig kooxaha Levante, Sevilla, Atletico Madrid, Real Sociedad iyo Villarreal ayaa min hal xiddig ku leh shaxda.

Laakiin arinta la yaabka leh ayaa noqotay in shaxda laga dhex waayay Goolhayaha Real Madrid ee Thibout Courtois inkasta oo uu ku guulaystay Goolhayaha ugu fiican xilli ciyaareedka.

Messi joined by four Real Madrid players in LaLiga Team of the Season

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*