Messi” Barcelona Xittaa Champion-ka Waa Ay Ka Hareysaa” Qaabkee Ayuu Uga Jawaabay Guushii Real Ee Horyaalka La Ligaha

Xididga Barcelona ayaa si carro leh uga jawaabay guusha Real ee horyaalka waxa uuna carabka ku adkeeyay in kooxdiisa xittaa ay macsalmeyn doonto Champion-ka haddii ay ku sii socdaan heer ciyaareedka ay kula soo muuqdeen xilli ciyaareedkaan

Barcelona ayaa xalay guul darro laba gool ah kala kulantay kooxda Osasuna waxa ayna taasi Real uga dhigtay in si rasmi ah u qaadaan horyaalka oo uu ka harsan yahay hal wareeg ka dib guul 2/1 oo iyana ay ka gaareen Villareal

Wargeyska Marca ayuu Messi ka yiri ” ma jecleyn in aan habkaan ku dhameysanno horyaalka , waxaan aheyn xilli ciyaareedkaan koox aan habeysneyn , liidata , kulankii xalay ayaan ka marqaati kacaya xaaladda kooxda”.

“Waa in aan nafteena dhaleeceynaa , Real yaan ku mashquulin shaqadooda ayay qabsadeen waliba aad ayaan u caawinay”

Messi waxa uu intaas sii raaciyay ” haddii aynu dooneyno in aan Champion-ka ku guuleysanno waa in aan wax badan wax ka badalnaa haddii aan sidaan ku soo soconno kulanka Napoli waa nala garaacayaa”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*