Merson: Man United Kuma Guulaysan Doonto Wax Koob Ah Halkan Xiddig Ayaana Sabab U Ah.

Halyeeyga kooxda Arsenal Paul Merson ayaa ka hadlay xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo iyo fikirkiisa ku aadan sii joogistiisa Manchester United.

Hadalka Merson ayaa yimid ka dib murankii weynaa ee ka dhashay suuqii xagaaga markaas oo uu xiddigu ka dalbaday Man United in uu isaga tago kooxda ka hor inta uuna go’aansan in uu sii joogo kooxda.

“Qeybta ugu adag waa marka ay tahay inaad dhaleeceyso mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican kubada cagta,” Merson ayaa sidaas yidhi.

Halyeyga Gunners ayaa hadalkiisa ku daray: “Cristiano Ronaldo 100 jeer ayuu iga fiican yahay, laakiin Man United kuma guulaysan doonto wax koob ah inta uu joogo kooxda”.

Xiddiga Cristiano Ronaldo ayaa doonayay in uu isaga tago kooxda Man United si uu uga ciyaaro tartanka champions League kuna biiro koox ka ciyaarta tartanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*