Memphis Depay Oo Talaabo Weyn U Qaada Ku Biiristiisa Barcelona, Maxaa Cusub?

Weeraryahanka Lyon Memphis Depay ayaa lagu arkay isagoo Guri Ka Raadsanaya Magaalada Barcelona xilli uu isku diyaarinayo in uu u soo wareego kooxda Barcelona suuqa xagaaga sida ay sheegayaan wararku.

Xiddigii hore ee Man United ayuu heshiiskiisa kooxda Lyon dhici doona bisha dambe waxana si weyn loo filayaa in uu ku biiro kooxda Barcelona dhaamadka xilli ciyaareedkan.

Wargayska Mundo Deportivo ayaa sheegaya in uu Debay haatanba bilaabay in uu Guri ka raadsado magaalada Barcelona taas oo dabka ku sii shidayda wararka saxiixiisa la xidhiidhinaya kooxda Barcelona.

Xiddiga Depay ayaa kooxda Lyon u ciyaaray 35 kulan xilli ciyaareedkan waxana uu dhaliyay 19 gool halka uu caawiye ka noqday 10 kale.

Kooxda Barcelona ayaa xiddiga Depay u aragta badalka Luis Suarez oo ka tagay kooxda suuqii xagaagii la soo dhaafay markii uu Koeman tababaraha u noqday kooxda.

Sii Akhriso: Astaamaha Lagu Garto Jacaylka Shuruud La’aanta Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*