Meesha Uu Mohamed Salah Ka Qaaday Xanuunka Korona Oo La Ogaaday.

Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa laga helay xanuunka Korona kadib markii uu aaday waajibaadka xulka qarankiisa ka hor kulamada is reeb-reebka koobka qaarada Africa.

Xiddiga ayaa kooxdiisa Liverpool u ciyaaray kulankii Axadii ee Man City isaga oo England ka tagay isaga oo caafimaad qaba oo aan qabin xanuunka Korona.

Laakiin wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in uu Mohamed Salah maalintii ugu horaysay ee uu dalkiisa ku laabtay aaday Xaflad aroos oo loo dhigay walaalkiisa.

Salah ayaa la arkay isaga oo qoob ka ciyaar ku jira isaga oo aan wax af xidh ah wadan taas oo ah meesha uu ka soo qaaday xanuunka Korona.

Mohamed salah ayaa dad badan qoob ka ciyaarka la wadaagay taas isaga oo aan wax af xidh ah haysan taas oo si weyn uga xanaajisay kooxda Liverpool.

Saacado kadib markii uu Salah ku biiray tababarka xulka qarankiisa waxa laga helay xanuunka Korona kadib markii laga qaaday baadhitaankii ka horeeyay tababarka.

Mohamed Salah was seen without a face covering

Mohamed Salah was filmed dancing at his brother's wedding

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*