Mbappe: Xitaa Imaatinka Lionel Messi Ma Badalin Ra’yigayga Ka Tagista PSG.

Xiddiga kooxda PSG ee Kylian Mbappe ayaa ka hadlay isku daygiisii ka tagista kooxda PSG suuqii xagaaga markaas oo uu dalbaday in uu isaga tago kooxda kuna bbiiro kooxda Real Madrid.

Xiddiga PSG ayaa ka hadlay arimahaas isaga oo diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda reer France taas oo keentay in ay Real Madrid isku dayday saxiixa xiddiga reer France.

Xiddiga Kylian Mbappe ayaa wax laga waydiiyay in imaatinka Lionel Messi ee PSG ay wax ka badashay go’aankiisii ahaa in uu isaga tago kooxda PSG.

Laakiin xiddiga ayaa ku jawaabay”Maya, sababta oo ah waxa aan qaatay go’aanadayda wakhti hore aadna waan uga fikiray”.

Mbappe ayaa haatan iska sii joogay kooxda PSG waxana la sheegayaa in uuna ku faraxsanayn kooxda ka dhisan caasimada France sida ay muujiyeen muuqaalo badan oo la helay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*