Mbappe Waxa Uu U Ciyaari Doonaa Real Madrid Xilli Ciyaareedka Dambe.

Saxafiga caanka ah ee barnaamijka El Chiringuito ee Josep Pedrerol ayaa mar kale ku celiyay waliba ku adkaysanaya in uu xiddiga PSG ee Kylian Mbappe ka ciyaari doono kooxda Real Madrid xilli ciyaareedka dambe.

Heshiiska Mbappe ee PSG ayaa dhici doona xagaaga 2022 waxana ay Los Blancos aaminsantahay in ay kooxda reer France kala heshiin karto saxiixa xiddiga hadii uuna Mbappe qalinka ku duugin heshiis cusub.

“Waxa aan ku celinayaa, Mbappe waxa uu ka ciyaari doonaa Real Madrid xilli ciyaareedka dambe”ayuu Pedrerol ka yidhi barnaamijkiisa.

“Heshiis cusub uma saxiixi doono PSG waxana ay kooxdu diyaar u tahay in ay iska iibiso hadii uu saxiixi waayo heshiis cusub”ayuu sii raaciyay.

Mbappe ayaa xalay kooxdisia PSG ku hogaamiyay wareega Semi-final-ka tartanka champions League kadib markii ay bar-baro 3/3 ah la galeen Bayern Munich laakiin ku reebay 3-dii gool ee ay ka dhalisay garoonka Bayern munich.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 4 Nooc Oo Ragga Ah Oo Ay Dumarku Ka Faa’iidaystaan, Miyaad Ka Mid Tahay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*