Mbappe Oo Seegay Tababarka Ka Hor Kulanka Bayern Munich.

Ciyaaryahanka Real Madrid ee Kylian Mbappé ayaa seegay tababarkii ugu horreeyay ee kooxda ee diyaarinta kulanka ay la ciyaarayaan Bayern Munich, kadib xanuun ka yimid dhaawac yar oo wejiga ah oo uu ka soo gaaray kulankii Girona, taas oo sababtay in lagu tolo saddex qodob oo ku yaalla korka sunniyaha Isha midig, sida ay sheegtay wargeyska Mundo Deportivo.

Real Madrid, oo uu hoggaaminayo tababaraha Álvaro Arbeloa, ayaa isku diyaarinaya inay wajahaan Bayern Munich Arbacada, 15-ka April, garoonka Allianz Arena, lugta labaad ee wareegga siddeedda ee UEFA Champions League, iyadoo kooxda ay u baahan tahay inay kasoo kabato guuldarradii 2-1 ahayd ee lugtii hore.

Sida warbixintu tilmaamayso, kooxda ayaa caddeysay in maqnaanshaha Mbappé uu la xiriiro xanuunkaas iyo sidoo kale nasasho taxaddar ah.

Sidoo kale, tababarka waxaa ka maqnaa Thibaut Courtois iyo Rodrygo sababo la xiriira dhaawacyo, halka Aurélien Tchouaméni uu isna ganaax ku maqanyahay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga