Mbappe Oo Bar-Bareeyay Rikoodh Uu Dhigay Cristiano Ronaldo.

Xiddiga kooxda Real Madrid ee Kylian Mbappe ayaa bar-bareeyay rikoodh uu dhigay halyeeyga kooxda ee Cristiano Ronaldo kadib kulankii Sevilla ee horyaalka La Liga.

Mbappé ayaa door weyn ka qaatay guushii ay Real Madrid 2-0 kaga adkaatay Sevilla, kulankii wareegga 17-aad ee horyaalka La Liga, kaas oo ka dhacay garoonka Santiago Bernabéu, isagoo dhaliyay goolka labaad oo rigoore ahaa.

Xiddiga reer Faransiis ayaa sidaas ku gaadhay 59 gool sanadkii 2025, wuxuuna bar-bareeyay rikoodhkii Cristiano Ronaldo oo isna dhaliyay 59 gool sanadkii 2013.

Si kastaba ha ahaatee, Mbappé ma awoodo inuu jebiyo rikoodhkaas, maadaama kulankii Sevilla uu ahaa kii ugu dambeeyay ee Real Madrid ay ciyaarto sannadkan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga