Mbappe, Lewandowski , Pogba, Dembele, Aubameyang & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Waxa si Rasmi ah u furmay suuqa Kala iibsiga January  iyada oo kooxaha premier League suuqa u gali doonaan sidii ay u xoojin lahaayeen kooxohooda qaybta dambe ee xilli ciyaareedka dambe.

Dhanka kale waxa jiri doona xiddigo badan kuwaas oo isku dayi doona in ay isaga tagaan kooxohooda si ay ugu biiraan kooxo ay joogto ugu ciyaaraan qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.

Kooxda.com ayaa si maalinle ah idiinku soo gudbin doonta wararka xanta ah ee ay qoraan wargaysyada adduunka ee ku saabsan xiddigaha ay kooxuhu doonayaan.

Kooxda PSG ayaa wadahadalo kula jirta kooxda Tottenham oo ay qaab amaah ah kaga doonayso saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Tanguy Ndombele (Goal).

Kooxda Sevilla ayaa wali doonaysa saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara Man United ee Anthony Martial inkasta oo ay United diiday dalabkeedii hore (Marca).

Real Madrid ayaa ku dhaw saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara PSG ee Kylian Mbappe marka uu dhamaado heshiiskiisa PSG (ESPN).

Kooxda Tottenham ayaa isku diyaarinaysa in ay dalab ka gudbiso saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Tottenham ee Franck Kessie (Telegraph).

Paul Pogba ayaa Maamulka Man United u sheegay in uu ku biiri doono kooxda Real Madrid marka uu dhoco heshiiskiisa kooxda (90min).

Kooxda reer Sucuudi ee Al Hilal ayaa Doonaysa saxiixa xiddiga kooxda Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang kaas oo ay diyaar u tahay in ay wada bixiso dhamaan mushaharkiisa (Mail).

Kooxaha Ac Milan, Juventus, Marseille, PSG iyo Sevilla ayaa dhamaantood doonaya saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang (Sky Sports).

Kooxda Bayern Munich ayaa isku diyaarinaysa in ay dalab ka gudbiso saxiixa xiddiga kooxda Barcelona ee Ousmane Dembel (Sport).

Kooxda chelsea ayaa xiddiga kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowski u doonaysa badalka xiddiga Romelu Lukaku (Bild).

Agaasimaha Kooxda Fiorentian ayaa beeniyay wararka sheegaya in ay kooxdiisu aqbashay dalabka ay Arsenal ku doonayso saxiixa xiddiga Dusan Vlahovic (Football Italia).

Kooxda Arsenal ayaa diyaar u ah in ay iska iibiso xiddigaha Calum Chambers & Cedric Soares inta lagu jiro suuqa January (The Sun).