Mbappe, Dybala & Dembele Oo Hogaaminaya Shax Cajiib Ah Oo Laga Sameeyay Xiddigaha Xorta Noqon Doona Dhamaadka Xilli Ciyaareedkan.

Xilli Mustaqbalka Rudiger u muuqdo mid kala cadaaday isla markaas ku dhawyahay in uu ku biiro kooxda Real Madrid waxa jira wali xiddigo uu heshiiskoodu dhici doono dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Suuqa xagaagan ayaa noqon doona mid xiiso leh marka loo eego in ay jiri doonaan xiddigo badan oo xor noqon doona waliba qaab bilaash ah ugu biiri kara kooxaha ay doonayaan dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddigaha Dybala, Mbappe iyo Dembele ayaa hogaaminaya Liiska xiddigaha xorta noqon doona dhamaadka xilli ciyaareedkan waliba ku biiri kara kooxda ay doonayaan.

Waxa la soo saaray shax laga sameeyay xiddigaha qaabka xorta ah ugu biiri kara kooxda ay doonayaan dhamaadka xili ciyaareedkan.

Sidoo kale xiddiga Marcleo, Pogba iyo Eriksen ayaa ka mid ah xiddigaha magaca leh ee qaabka xorta ah ugu biiri kara kooxda ay doonayaan dhamanaaadka xilli ciyaareedkan.