Maxuu Macalinka Belgium-ka Ka Yiri Dhaawaca Hazard Iyo De Bruyne Ee Kulankii Portugal

Tababaraha qaranka Belgium ee Roberto Martinez ayaa ka hadlay dhaawaca Hazard iyo De Bruyne kuwaasi oo lagu haleelay kulankii Portugal.

Belguim-ka ayaa xalay iska xaadiriyay wareegga 8-da ee Euro 2020 ka dib guul hal gool aheyd

De Bruyne ayaa laga saaray ciyaarta biloowgii qeybta labaad ka dib dhaawac bowdada ka gaaray halka Hazard isna la saaray daqiiqadii 87-aad xilligaas oo uu ka sheegtay jug muruqa ah

Macalinka ayaa saxaafadda ku yiri ” kama hor dhici karno xaaladda labada laacib, waxaan sugeynaa baaritaanada lagu sameynayo”.

Hazard ayaa dhankiisa yiri ” xoogaa xanuun ayaan dareemay balse waxaan rajeynayaa in xulkeyga aan la sii joogi doono”

Belgium-ka ayaa wareegga 8-da waxa ay jimcaha dambe ku arkayaan Italy

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*