Maxay Wargaysyada Spain Ka Qoreen Guuldaradii Barcelona Ee Bayern Munich

Saxaafadda Spain ayaa Weerar ku qaaday kooxda Barcelona kadib guuldaradii 3/0 ahayd ee ay kala kulantay kooxda Bayern Munich kulankoodii ugu horeeyay ee wareega Group-yada champions League iyaga oo ku tilmaamay koox xun oo diciif ah.

Barcelona ayaa ku dhibaatootay in ay qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigto Camp Nou iyaga oo xitaa ku fashilmay in ay hal laad ku laadaann goolka taas oo cadaadiska ku kordhinaysa Ronald Koeman.

Wargayska MARCA ayaa boggiisa hore ku soo qaaatay Sawir weyn oo Robert Lewandowski & Thomas Muller ah iyaga oo wada dabaal dagaya maadama ay laabda xiddigba dhibeen Barcelona goolalna ka dhaliyeen.

MARCA ayaa ciwaan uga dhigtay” Barcelona Xun”, Bayern waxa ay haatan bilaabaysaa in ay la qabsadaan tababare Julian Nagelsmann.

Wargayska AS ayaa soo qaatay Lewandowski oo qalbiga u dajinaya Gerard Pique iyaga oo ciwaan la yaab leh uga dhigay “Musqul kale”, iyaga oo tilmaamaya qaab ciyaareedka xun ee Barcelona isla markaasna sheegay in ay Bayern talaabo ka horaysay Barcelona.

Wargayska ka soo baxa Catalonia ee Mundo Deportivo ayaa soo qaatay sawir goolhaye Marc-Andre ter Stegen oo laga dhalinayo gool iyaga oo ciwaan uga dhigay “Tani waa waxa jira”.

Sii Akhriso: Waa maxay heerka ugu sarreeya ee jacaylka?

The front page of Marca reads 'poor Barcelona' and tears into the hosts after their 3-0 loss

AS say 'another bath', in reference to yet another damaging result for Barcelona against Bayern

Mundo Deportivo feature Gerard Pique's comments on how 'this is what there is' for Barcelona

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*