
Daafaca Man United ee Harry Maguire ayaa muujiyay sida uu uga niyad jabsan yahay in uu ka maqnaando kulanka Champion-ka ee PSG .
United ayaa PSG caawa marti ugu ah kulan ka tirsan wareegga koowaad ee Group-yada Champion-ka
Macalin Ole Gunner ayaa xaqiijiyay in Harry Maguire uu ku maqnaanayo sababo la xariira dhaawaca haya laacibka .
Waxa uu Harry Maguire bartiisa Twitter-ka ku soo qoray” waxaan dareemayaa niyad jab weyn oo ku aadan in aan seego kulankaas”.
Waxa uu intaas uu sii raaciyay ” waxaan aad uga shaqeynayaa in aan waqti dhaw ku soo laabto garoomada”.
Lama oga in Harry Maguire uu la lug heli doono kulanka sabtida ay la ciyaarayaan Chelsea ee wareegga 6-aad horyaalka Ingiriiska