Maxay Tahay Sababta Barcelona Ugu Waasheen Saxiixa Eric Garcia , Hishiis Is Weydaarsi Ayay Haatan Man City La Galayaan.

Kooxda  Barcelona ayaa lagu waramayaa in ay ku xasileen in ay la soo hishiiyaan daafaca reer Spain iyo kooxda Man City ee Eric Garcia inta suuqa xagaaga uu furan yahay .

Barcelona ayaa horay u gudbisay dalab gaarayay 15 milyan oo euro si laacibkaas u helaan balse City waa soo diideen waxa ayna ku adkeysteen aduun  dhan 20 milyan oo euro .

Hishiiska Eric Garcia ee qalcadda Etihad waxa uu dhacayaa xagaaga dambe waxa ayna haatan Barcelona diyaar u tahy in dalabka wax ka badalaan oo waji cusub ula tagaan Man City kuwaas oo dhankooda u muuqda kuwo aan diidi doonin.

Sida wargeyska Mundo Deportivo uu qorayo , Barcelona ayaa haatan ka fikireysa in hishiis is weydaarsi la galaan City iyaga  oo xiddigooda Rafinha ku soo daraya  hishiiska waliba bixinaya lacag yar  oo jaban .

Haddii taasi ay dhicin , Barcelona waxa ay ku qasban tahay in ay sugaan xagaaga dambe o0o ay qaab xor ah ku heli karaan laacibkaas oo dhankiisa diidan in hishiis cusub uu u saxiixo Man city

Barcelona waxa ay Eric Garcia  u aragtaa mid fa`ido badan u lahaanaya marka la eego in sidoo kale uu ka ciyaaro garabka bidix iyo daafac dhexe , waxaana xusid mudan in 19 snao jirkaan reer Spain uu ka soo baxay xerada akademiyada Barcelona ka hor inta uusan  u wareegin Man City.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*