Maxay Real Madrid U Baahantahay Si Ay Ugu Guulaysato Horyaalka La Liga?

Kooxda Real Madrid ayaa kaliya u baahan 5 dhibcood si ay ugu guulaysato horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

Kadib guushii ay ka gaadheen Alaves Los Blancos ayaa ku sii dhawaatay in ay ku guulaysato horyaalka La Liga ee xilli ciyaareedkan.

Los Blancos ayaa loo caleemo saari karaa horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan maalinta Isniinta hadii ayna Barcelona ka badin kooxda Valladolid kulanka caawa.

Guul ay Real Madrid ka gaadho Granada maalinta Isniinta ayaa kadib ka caawin doonta in ay ku guulaysteen horyaalka La Liga.

Waxa intaas dheer in hal guul iyo 2 bar-baro ee 3-da kulan ee u Hadhay in ay sidoo kale Real Madrid kaga filnaan karaan in ay guulaysato horyaalka La Liga.

Real Madrid ayaa la ciyaari doonta kooxda Granada, Villarreal iyo Leganes ka hor dhamaadka xilli ciyaareedkan halka ay Barcelona la ciyaari doonto Valladolid, Alaves iyo Osassuna.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*